Xildhibaan Maxamed Abiib oo Reer Awdal ugu baaqay Soo Celinta Hantidii la Boobay

Hargeysa -(GNA)  Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf, oo ka mida mudanayaasha golaha wakiillada Somaliland ayaa bulshada magaalada Borama ka codsaday in hantidii laga boobay ganacstada kala duwan ee ka shaqaysta magaalada Borama ay si deg deg ah u sooceliyaan.

Sidoo kale waxa uu raaligelin siiyay ganacsatada meheradaha ku leh magaala madaxda gobolka Awdal ee Borama, ee boobka iyo dhaca la isugu daray.

Waxa uu sheegay xildhibaan Maxamed Abiib in dadka bannaanbaxa iyo boobka sameeyay ay dileen milgihi iyo sharaftii magaalada Borama, waxaanu xusay in bulshada Soomaaliyeed oo dhami ay aaminsan tahay magaalada Borama in lagu ammaan helayo, oo naf lagu aamin karo, oo hanti lagu aami karro, oo guri laga dhisay lagu aamikarro, isla markaana umadda Soomaaliyeed oo dhami ay ahayd magaalo ay u han weynaayeen, balse magaceedii iyo sumacadeedii ay ku ciyaareen dad aan sugin go’aanada kala duwan ee xukuumadda iyo ciidanka.

Geesta kale waxa uu tilmaamay in markasta ay ku hawlan yihiin haddii ay yihiin mudanayaasha gobolka Awdal ku matela golaha wakiilada cid maalgashata magaalada Borama.

Waxaanu yidhi.“Wax laqaadan karayay may hayn dadkii bannaanbaxa sameynayay ee sharaabka guranayay, boqol meheradood in kabadan ayaa la boobay oo dhulka lala simay, danta bulshada gobolka Awdal ayaanu halkan u joogna, maalinkasta cid maalgashata ayaanu raadina, bulshada Soomaaliyeed oo dhami waxa ay aaminsan tahay magaalada Borama in lagu ammaan helayo, oo naf lagu aaminayo, oo hanti lagu aaminayo, oo guri laga dhisay lagu aaminayo, maanta boqol sano magacii wanaagsana ee Borama lahayd ayaad dhooqayseen, wax wakil la idinkaga noqon karana maaha, qofkasta wixii uu qaatay ha soo celiyo inta uu ILLAAHEY ka yaabo.

Waxaan ka raaligelinaya dadkii lahaa goobihii ganacsi ee la boobay, waxaan ka raaligelinaya dhagxumada gaadhay bulshada Soomaaliyeed, Borama, Boramadii hore ayaad ugu imanaysaan, dadka halkaasi marayayna cidkale noqonmaayaan ee waa reer Borama, wax allaale wax qaldamay oo dilkii dhacay ka qaldamay ma jiro.”