Somaliland iyo daneeyayaasha Isbedelka Cimilada oo shirray

Wasiirka wasaarada deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Bandare iyo qaar kamida aagasime waaxeedyada ayaa kulan la qaatay madax ka kala socotay hay’addaha Ku midoobay dalada Som ReP iyo la taliyeyaal ka kala socday BIZRA iyo AQN International Firm kuwaas oo dood iyo falanqayn ka yeeshay sidii loo diyaarin lahaa qorshaha iyo siyaasada lagu hagayo lacagaha lagu bixiyo yaraynta neefaha sunta ah ee lagu sii daayo hawada (Carbon dioxide ).

kulankan waxa si guud loogaga hadlay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka haysta deegaanka sida xaalufka iyo nabaad guurka iyo saamaynta isbedelka cimilada.

Kulankan ayaa ku soo dhamaaday is fahan iyo in halkaa hore looga sii socdo.