Madaxweynaha Puntland oo Fagaare ka qirtay Duullaanka Laascaanood iyo inuu colaad hor leh hurinayo

“Dadka reer Puntland waxaan farayaa inay 25-ka bishan (May) ka hor xorreeyaan Laascaanood..”Siciid Deni

“Beesha Caalamka oo looga fadhiyo jawaab ku haboon Jillaaga ay Indhaha ka lallinayeen ee huriyey Colaadda Laascaanood..”

Gaalkacayo(GNA)-Madaxweynaha Maamul-gobolleedka Soomaaliya ka tirsan ee Puntand Siciid Cabdilaahi Deni, ayaa markii ugu horaysay si badheedh ah oo aan gabasho lahayn fagaare uga shaaciyey in uu Ciidankiisu ku soo duulay Magaalada Laascaanood ee bilihii u dambeeyey ku jirtay xaalada colaaddeed ee gacan ku rimiska lagu sameeyey, isla markaana ay hogaaminayaan Isimada dhaqanka iyo Kooxaha kale ee huwanta hubaysan iyo shiddo-abaabuleyaasha ah.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa in badan ku celcelisay inay dhufaysyo ka samaysteen gudaha Laascaanood Maleeshiyaad tiro badan oo ka tirsan Ciidanka Puntland, Kooxo argagixiso ah iyo dhalinyaro kooban oo dadka deegaanka ah oo la qalday, kuwaasoo halkaasi soo galay markii ay Ciidamada Qaranku si nabad-gelyo ah uga baxeen magaalada dhexdeeda, iyagoo dhowraya nololsha iyo masaaliixda bulshadii ku dhaqnayd magaaladaasi oo gadoodsanaa dilal argagixiso oo loogu geystay masuuliyiin ka tirsan dawladda iyo asxaabta Qaranka.

Dawladda Somaliland oo si buuxda uga warqabtay in Shaadh qabiil lagu soo geliyey Maleeshiyaad Ciidanka Puntland Magaalada Laascaanood, digniinna u jeedisay tobanaan, ayaan garowshiyo shaacsan ka helin daneeyayaasha dejinta xaalada Magaaladaasi ka jirta, iyadoo ay suurtogal tahay in loo arkayey Eeddaymo siyaasaddeed maadaama dadka fidmada abuuray ay isku gudbayeen joogitaanka hubka iyo Ciidanka laga maamulo Garoowe goofka Laascaanood.

Hase yeeshee waxa arrintaas si buuxda oo aanu ka laba-labayn u sheegtay Siciid Deni, hogaamiyaha Maamulka Puntland ee ay dabeysha siyaasaddu ruxayso oo ka jeedinayey khudbad Salaasadii isu-soo-bax Xisbigiisu ku qabtay magaalada Gaalkacayo.

 

Deni waxa uu banaanka keenay wax kasta oo lagaga duraamanayey colaadda Laascaanood ee dhibaatooyinka ka dhashay sababtoodu ku timi talo-xumada iyo Taageerada fidmo ee loo soo waariday.

 

Waxa kale oo uu fallaadho ay ka muuqato xaalad abuur ku ganay hogaamiyeyaasha Wadamada Gobolka qaarkood oo uu eeddeyn culus oo dello lahayn u jeediyey.

Isagoo qiranaya ku lug-lahaanshiyaha Dagaalka lagu soo qaaday Gobolka Sool, gaar magaalada Laascaanood waxa uu dadka reer Puntland ku guubaabiyey hurinta colaad hor leh oo uu ku tilmaamay xoraynta magaaladaasi.

Waxaanu yidhi “Laascaanood qarsan mayno cadowga ku soo duullay waa ka difaacaynaa. Khudbadii madaxweyne Muuse Biixi ka jeediyey Baarlamanka Somaliland, cidna ka yeelli mayno oo uga gaban mayno in aan Laascaanood Difaacdo. Cidna uga haybadaysan mayno in aan difaacno dalkeena, deegaankeena iyo dadnimadeena. Dadka reer Puntland waxaan farayaa inay 25-ka bishan (May) ka hor xorreeyaan Laascaanood”ayuu yidhi.

Hadalkan Deni waxa uu soo afjarayaa dooddii ahayd Laascaanood waxa ku dagaalamaya Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Dadka deegaanka oo diiddan, isla markaana iska-difaacaya, waxaanu markhaati gal u yahay dareenka iyo digniinta Jamhuuriyadda Somaliland ku celcelisay ee ay adduunka u gudbinaysay.

Waxa kale oo uu dhawaaqani bilow u yahay guluf hor leh oo la doonayo in dhiig badani ku daadto ka dhacaya Laascaanood, maadaama uu iclaamiyey talaabo cusub oo uu ku dagaal geliyey maleeshiyaadkiisa, isagoo ku guubaabiyey inay shan iyo labaatanka bishan May xilli ka horeeya gacanta ku dhiggaan Magaalada ay dhufaysyada kaga jiraan ee aanay burburkeeda u aabbo yeelin saddexdii bilood ee ay gudaha u soo galeen.

Laascaanood, iyadoo ay Ciidanka Qaranka iyo kuwa kale ee laamaha amaanka Somaliland ay dibada uga baxeen si dadweynuhu u dareemaan Nefis, kaddib shaqaaqadii ka dhalatay dilkii alle ha u naxariisto’e Aqoonyahan Hadraawi Sangub, ayaa bishii Janaury horaanteedii buunka cabsida loo garaacay shacbigii degennaa oo la bara-kiciyey, waxaana laga bilaabo wakhtigaasi magaalada si dhuumasho ah ku soo galay Maleeshiyaad hubaysan oo argagixiso ah iyo Ciidamo Puntland ah oo ku midaysan inay dagaal ka ridaan Gobolka Sool, iyagoo ka faa’idaysanaya gadoodka shacabka Laascaanood.

Sidaasoo ay tahay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, wax war ah oo cusub kamay soo saarin sheegashada Deni ee Dagaalkan Laascaanood,inkasta oo ay hore arrintaas u caddeysay oo aanay muhiim ahayn inay ka hadashaa, balse inay talaabo qaado oo ay weerarka uu Siciid Deni shaaciyey ka hortaggiisa u diyaar-garowdo waajibku farayo.

Hase ahaatee, waxa jawaabteeda looga fadhiyaa wadamada geeska Afrika iyo Beesha caalamka ee Xiisada Laascaanood deddaalka ka galay sidii ay u dami lahayd, kuwaasoo uu iminka dibada ugu soo baxay jillaagii qarsoonaa ee colaadda huriyey.