Kulanka Ganacsatada iyo Xukuumadda ee Tayada Baddeecadaha

Waxa maanta oo ay taariikhdu ahayd 10-05-2023-ka, xarunta Hay’adda Dhawrista Tayada JSL ka qabsoomay kullan ay isugu yimaaddeen Ganacstada kala duwan ee soo dejiya Cuntada, Daawada, Agabka la isku qurxiyo iyo Hay’adda Dhawrista Tayada. Kulan-kaas ayaa daarranaa sidii ganacstada kala duwan iyo Hay’addu ay uga wadda shaqayn lahaayeen Bedqabka Cuntooyinka, Daawooyinka iyo Agabka la isku qurxiyo ee dalka imanaya iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada badeecadaha. Maadaama oo Hay’adda ay ka go’an tahay in aanay sinaba dalka u soo gelin badeecado bedqabkooda iyo tayadoodu ay ka hoos marsan tahay heertayeedka caalamiga ah ee dunidu isla oggoshahay.

Kullan-kaasi ayaa waxa ka soo qayb galay xubno ka mid ah ganacstada soo dejiya Cuntada, Daawada iyo Agabka la isku qurxiyo, Isu-wadaha Hay’adda ee Gobolka Saaxil, Agaasime Waaxeedada Hay’adda iyo Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada JSL.

Ugu horrayn kullanka waxa ibo-furay Guddoomiye Hay’adda Dhawrista Tayada JSL: Md, Mukhtaar Maxamed Cali, oo halkaasi ka soo jeediyey kelmedo daaranaa ujeedka kulanka iyo in ka Hay’adda Dhawrista Tayada ahaan mas’uuliyadi weyni ka saaran tahay ilaalinta bedqabka bulshada iyada oo laga hubinayo dhammaan wixii Cunto, Daawo, iyo agab la isku qurxiyo ee ay isticmaalan “Dibedda ha laga keeno ama dalka gudihiisaba ha lagu farsamayo. Waxa uu Guddoomiyuhu madashaas ka sheegay in ka Hay’adda ahaan aanay aqbali doonin in cidna ay dalka keento badeecadaha aan waafaqsanayn heertayeedada ay Hay’addu ay dalka u dejisay.

Waxa dhan kooda iyana halkaasi hadalo kooban ka soo jeediyey ganacstadii kala duwanayd ee kullanka ka soo qayb galay, “oo halkaas ka sheegay waxyaabihii maanta ay Hay’adda ka wada hadleen in ay isku waafaqeen, isla markaasna ballan-qaaday in ay si wacan ula shaqayn doonaan Hay’adda”. Gobo-gabadii kullan-kaasi waxa soo xidhay Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada JSL.