Qaybaha dhismaha Suuqa Waaheen oo la sharaxay

Guddida Qandaraasyada Qaranka iyo Shirkadda dhisaysa Suuqa Waaheen ayaa faahfaahin ka bixiyey naqshada suuqaas, nooca dhismaha uu noqonayo iyo qaybaha uu ka kooban yahay.

Guddida Qandaraasyada Qaranka ayaa maanta kulan la qaatay madaxda ugu sareysa Shirkadda Inyatsi Construction Company oo ku guulaysatay Qandaraaska Dhismaha Suuqa Waaheen oo soo gaadhay Somaliland.

Masuuliyiinta Shirkadda ayaa Guddida Qandaraasyada Qaranka u jeediyey warbixin ku saabsan qorshaha dhismaha ee Shirkadda ee ku saabsan dib-u-dhiska Suuqa Waaheen.

• Dhismaha ayaa noqon doonna saddexdan qaybood ee kala ah:

1) Basement

2) Ground Floor

3) Laba dabaq oo sarre.

• Waxa uu qaadi doonnaa in ka badan 700 dukaan oo ku jiraan dhammaan noocyada kala duwan ee dukaamada sida bacadlayaasha, suuqa hilibka iyo khudrada.

• Basement ama underground ka suuqa ayaa qaadi doonna in ku dhow 120 gaadhi.

• Waxa uu noqon doonnaa suuqa ugu casrisan ee guud ahaan dalka JSL.