Wasiirka beeraha JSL ayaa la kulmay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Maroodi-jeex

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa Maanta Xafiiskiisa kulan kula yeeshay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Maroodi-jeex.

Wasiirka, ayaa Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Sabo-wanaag, Cadaadley, Dacarta, Daarasalaam, Sallaxley, Balli-mataan, Faro-weyne, Xaaji Saalax iyo Laasgeel kala hadlay sidii loo dardar-gelin lahaa Wax soo-saarka Beeraha isla-markaana ay ku Wacyigeliyaan Beeralayda inay ka faa’idaystaan Xilli Roobaadkan.

Wasiirka ayaa Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Maroodi-jeex ka dalbaday inay Beeralayda deegaannada ay xukuumad ahaan ku Wacyigeliyaan inay wax soo-saarka Beeraha kor u qaadaan, iyaga oo ka faa’idaysanaya Xilli Roobaadka lagu jiro, maaddaama oo ay Masuuliyaddooda ka mid tahay inay doorkooda ka qaataan horumarinta Wax soo-saarka dalka.

Guddoomiyeyaasha degmooyinkaas, oo iyaguna halkaa ka hadlay, ayaa Wasiirka iyo Wasaaradda Beeraha ku boggaadiyey dedaalka ay ugu jiraan wax-soo-saarka Dalka, waxayna ballan-qaadeen inay dedaal badan ku bixin doonaan sidii ay Beeralayda u Wacyigelin lahaayeen.