Khilaaf u dhexeeya Ganacsatada alaabta dejisa iyo GaadiidlaydaTawfiiq oo laga hadlay

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland, Cabdirisaaq Maxamed Ibraahim, ayaa shir-guddoomiyay kulan lagaga hadlayay xal u helista khilaaf soo noqnoqday oo u dhaxeeya iskaashatada gaadiidka ee Tawfiiq iyo ganacsatada soo dajisa alaabooyinka kala duwan.

Kulankan wax aka soo qayb galay guddoomiyaha gobolka Saaxil Axmed Mahamed Xaashi iyo agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka Muuse Jaamac Maxamed iyo agaasimaha Waaxda gaadiidka iyo Farsamada Cabdikariim Baashe Maxamed iyo maamulka iyo qaybo ka mida iskaaahatada Tawfiiq iyo Guddiga Ganacsatada Somaliland.

Shirkan oo muddo badan qaatay isla markaana dhinacyadu tallooyinka iyo caqabadaha jiray ay si fiican u faahfaahiyeen, waxa lagu gorfeeyey sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta iskaaahatada Tawfiiq iyo ganacsatada, isla markaana go’aamo wax ku oola looga soo saari lahaa waxyaabaha keenay caqabadaha iyo halka khilaafku salka ku hayo.