Guddida xuska 18 May oo soo saaray go’aamo

Guddida Qaban-qaabada heer Qaran ee Xuska 18 ka May ayaa ku dhawaaqay go’aamo iyo fariimo muhiim ah oo ay la wadaageen bulshada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, oo ah gudoomiyaha guddida Qaban-qaabada ee Qaran ayaa bulshada ugu baqay in ay si wayn uga qayb qaataan sanadka Guurada 32 ee Xuska 18 May, waxaanu bulshada ku adkeeyey ilaalinta nabadgelyada guud ee Qaranka, lagana feejignaado waxkasta oo wax u dhimaya nabadgelyada dalka.

 

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Salebaan Yusuf Cali Koore iyo Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Dr Ciise Kayd ayaa iyana dhinoocada ugu baaqay bulshada in ay si wayn uga qaybgalaan maalin Qaran ee sanad guurada 32 ee ka soo wareegtay markii ay Jamhuuriyadda Somaliland la soo noqotay madax banaanideeda halgan dheer ka dib, kaasoo naf iyo maalba loo soo huray.

 

Xuska 18 ka May ayaa shacabka Jamhuuriyadda Somaliland gudo iyo dibedba si wayn ugu diyaar garoobeen.