Somaliland ma waxay soo celinaysaa Qaxoontiga Yurub?

Kulan lagaga arrinsanayo soocelinta muwaadiniin reer Somaliland ah ayaa hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka Xafiiskeeda Hargeysa lagu qabtay.

Kulankan oo ka qabsoomay xafiiska guddoomiye kuxigeenka hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka Somaliland, waxa ka soo qaybgalay hay’addaha ay wada shaqaynta leeyihiin hay’adda Qaxoontiga.

Geesta kale waxa kulankaas lagu gorfeeyay suurtagalnimada soocelinta muwaadiniin hay’addu sheegtay in ay degenaansho ka waayay wadamada Ustaraleeya iyo Iswesarland.

Waxa sidan lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay hay’adda Qaxoontiga iyo barakacayaasha Somaliland, markii kulankaasi soo dhammaday.

Waxaa lagu yidhi.”Kulankan oo ujeedadiisu ahay sidii la isaga kaashan lahaa soo celinta dadka iyagu daganaasho ka waayey wadamadan ustaria iyo swezerland kuwaasi oo iyagoon la khasbin iskood u dalbada soo celinta dalkooda hooyo ay kusoo noqonayaan”

Hay’adda Qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka ayaa ku hawlan sidii ay hay’addaha caalamiga ah ugala shaqayn lahayd sidii muwaadiniinta iskood u dalbada inay ku soo nodaan dalka dib loogu soo celin lahaa.