Haweenay loo dhaariyey Xildhibaan Golaha Wakiillada ah

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Guddoomiyaha Guddida Cadaaladda Jamhuuriyadda Somaliland Aadam X. Cali Axmed, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 02/05/2023-ka, dhaariyay marwo Aamina Cilmi Fariid Badeed, oo laga bilaabo maanta ka mid noqonaysa Xildhibaanada Golaha Wakiilada JSL.

Xildhibaan Aamina Cilmi Fariid Badeed ayaa buuxisay jago ka banaanaatay Golaha wakiillada, taasi oo uu baneeyay AHN marxuum xildhibaan Nuur Cismaan Guuleed Warsame, oo ka mid ahaa mudanayaashii xisbiga UCID ee laga soo doortay gobolka Awdal.

Guddida Doorashooyinka Qaranka ayaa Maxkamadda Sare ee dalka JSL u soo gudbiyay 30-kii bishii afraad codsi ay ku dalbanayaan, in loo dhaariyo marwo Aamina Cilmi Fariid Badeed jagada ka banaanaatay Golaha Wakiilada, si ay u gudato waajibaadkeeda shaqo.

Dhaarinta ka dib Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadam Xaaji Cali, waxa uu kula dardaarmay xildhibaannada in ay qaranka ugu adeegto si daacad ah, waxaanu ALLE uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyada culus ee loo igmaday.