Somaliland: Si Xun Wax Sheeg Sixir Ka Daran!

Wakhtigan la jooggo ee ay war Isgaadhsiintu noqotay aalad qof waliba gacantiisa ku maamuli karo gudbinta dareenka uu qabo iyo xog kasta oo uu hayo, kuna gaadhsiin karo daafaha caalamka isagoon tacab iyo hawl badan toona gelin, waxa xadhkaha goostay faafinta fidmada, munaafaqada, been abuurka, manjaro-habaabinta iyo si xun wax u sheegga, kuwaasoo dadka ku shaqaysta iyo kuwa ay duufsadeenba fursad ka heleen dunidan ay qolka isugu keentay Tiknoolajiyadu.

Waxaanay taasi si weyn u nuglaysya oo hoos u dhacay masuuliyadda xog-faafinta iyo run ahaanshiyaha wararka laga tebinayo dhacdooyinka caalamka ka socda, kuwa mandaqad ku kooban oo la warinayo iyo xataa in la xaqiiqsado fal laga soo tebiyey tuullo yar oo daraf ku taalla. Tani waa mushkilad caalami ah oo hafisay dunida labaatankii sanandood ee u dambeeyey, xadkana ka baxday tobankan sanno ee aynu hadda ku iirno, iyadoo aynu ognahay in dawladdo waaweyn oo guun ahaa maalmo kooban lagu af-gambiyey kacdoon ka bilaabmay farriin lagu baahiyey mareeg kamida baraha bulshadu ku xidhiidho, waxaana casharka laga bartay gu’gii Carabta ee curtay 2011 adduunka u iftiimiyey halista ku gedaaman xasiloonida iyo nabad-gelyada caalamka, taasoo dawladdo badan ku keliftay inay qorsheyaal siyaasaddeed iyo shuruuc adag u dejiyaan xakamaynta khatarta sida sahlan looga abuuri karo warbaahinta aan xudduudaha lahayn, waa kuwa baraha bulahada’e.

Inkasta oo dawladdaha adduunku aanay ku guulaysan deddaallada ay kaga hortegayaan dhibaatada Tiknooliyadda, haddana waxa ay qaadeen talaabooyin ay ugu yaraan hoos ugu dhigi karaan mushkilladaha ku xeerran aynu kor ku xusnay. Hase yeeshee dalalka u nugul xasarradaha ee ay faqriga iyo saboolnimadu curyaamiyeen waxay qabaan duruufo khaas ah iyo dhaawac damqashadiisa uu ku siman yahay burburkoodu.

Jamhuuriyadda Somaliland oo kamida Waddamada caalamka ee ay isticmaalka Tiknooliyaddu sida roobka u maashaysay, waxaanay hore saameyn taban oo aan sii ridnayn ugu yeellatay akhalaaqda wanaagsan iyo fayo-qabka hab-fikirka bulshada, hase yeeshee sanadkan 2023 xiisada ka qaraxday magaalada Laascaanood ee caasimada Gobolka Sool ee sababtay inay bahalo galeen noqoto ilaa iminka, waxa hurinteeda iyo hallaaga umaddii halkaa degenayd ku dhacay sabab aad u weyn oo cad ku lahaa kooxo isugu jira wariyeyaal iyo dad kale oo baraha bulshada ku fidmoobay, kuwaasoo bilowgii dhalinyarada magaalada ku abaabulay kicin iyo inay sharciga ka hor yimaadaan ilaa ay gaadhsiiyeen inay hubka qaataan oo ay Dagaal kala hor yimaadaan Ciidanka amniga, isla markaana markii looga tudhay in gacan bir ah wax lagaga qabto ku kacay fal kasta oo ay ku dumin karaan Magaaladii nabad-gelyada ahayd.

Kooxaha abaabulka iyo kicinta ka sameeyey baraha bulshadu waxay isticmaaleen ficil kasta oo ay dadka ku marin-habaabin karayeen, weedh kasta oo ay nacayb iyo cuqdad ku gelin lahaayeen dhalinyarada iyo Haweenka, iyagoo ilaa iminka daqiiqad walba faafinaya been iyo wacaal xagjirnimo ah oo ay dadka ku cadiifad gelinayaan. Waxa kale oo ay tash iyo tiiraanyo geliyeen dadkii ku noolaa magaalooyinka kale ee dalka iyo dibada ee ay xamaasadoodu saraysay, kuwaasoo ay geyeysiiyeen in qof waliba halka uu jooggo cuqdadi ku gasho. Waxaana hubaal ah oo ay cid waliba ka dheregsan tahay in dadka reer Laascaanood si badheedh ah looga barakiciyey baraha bulshada, isla markaana dhawaaq dheer loogu sheegay inay ka qaxaan magaalada, iyadoo aan wax dagaal ahi dhicin.

Dadka falalka noocaas ah sameeyey, ilaa haddana ka shaqeeyaa waxa ay isugu jiraan qaar la yaqaano oo caan ah iyo kuwo kacaan-dhalad ah oo diwaanka geli doona.

Sidaas-darteed waxa muhiima in cid kasta oo dersaysa Kiiska xaalada Laascaanood aanay ku go’aan qaadan wararka iyo sheekooyinka beenta ah ee ka soo burqanaya Kooxaha aynu sheegnay oo ay ugu horeeyaan shuraakaddii la shaqayn jirtay nidaamkii maamulkii Farmaajo ee Soomaaliya, loona yaqaanno CBB.

Waxa kale oo Hay’addaha Qaranka u qaabilsan daba-galka dambiileyaasha waajib ku ah inay diyaariyaan faylal dacwaddeed oo kooxdaasi mar uun cadaaladda lagu horkeenayo, iyadoo la marayo dariiq kasta oo gacanta dawladda lagu soo gelin karo, si ciqaabta ay mudan yihiin loo marsiiyo.

Geesta kale, waxa muhiim ah in Dawladdu ay cashar ka barato arrintan, kuna taamilo dhaqaaqdo sidii looga hortegi lahaa fowdadan oo kale.

Ugu dambeyn shacbiga Somaliland waxa aan u cadaynaynaa in xaalada laascaanood sida ay xaqiiqadu tahay iyo waxa fidmo-wadayaashu ka sheegayaan ay aad u kala fog yihiin, xaalkeeduna bilow ilaa dhamaad uu yahay “si xun wax u sheeg sixir ka daran..”