Hindiya oo toddobaadkan noqoneysa dalka ugu dadka badan dunida

Dalka Hindiya ayaa dhaafi doona Shiinaha, iyadoo noqon doonta dalka ugu dadka badan adduunka dhamaadka usbuucan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Dadka Hindiya, ayaa la filayaa in ay gaadhaan 1,425,775,850 qof dhammaadka Bishan Abriil, xogta cusub ayaa muujineysa.

Hayโ€™ad kale oo ka tirsan Qaramada Midoobay, ayaa toddobaadkii hore saadaalisay in dadka dalka India ay dhaafi doonaan tiro ahaan dadka dalka Shiinaha badhtamaha sanadkan.

Wadamada Aasiya, ayaa waxay noqonayaan in ka badan seddex meelood meel dadka adduunka in ka badan 70 sano.

โ€œShiinuhu waxa uu dhawaan lumin doonaan maqaamkii uu mudada dheer haystay, ee ahaa dalka ugu dadka badan adduunka,โ€ ayaa lagu yidhi warbixin ay soo saartay waaxda dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada ee Qaramada Midoobay (DESA).