Somaliland: Saadaal farxad leh iyo Roob

Xafiiska Saadaasha Hawada ee JSL ayaa sheegay in dhamaadka bishan aynu ku jirno ee April 2023, roobab aad u badan ay ka di’i doona inta badan Gobollada Barriga ee Somaliland, sida;- Sanaag, Sool iyo Togdheer. roobabkaas oo cabirkoodu gaadhayo 50mm—150mm.

Sidoo kalena qaybo ka mid ah Gobollada galbeedka ee Awdal, Saaxil iyo Maroodi-Jeex ay ka di’i doonaan roobab fiican oo lagu diirsan doono cabirkiisuna meelaha qaarkood gaadhi doono ugu sarayn 30mm — 50mm.

Roobka guga ayaa curtay horaantii bishii March, waxaanu maasheeyey dhul badan oo kamida Dalka.