Marwada Madaxweyne ku-xigeenka oo la Ciiday Caruurta Baahiyaha gaarka ah qaba

Borama (GNA) Marwada Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Marwo Raxma Xaaji Muxumed Suldaan, ayaa maanta la ciidanay carruurta baahiyaha gaarka ah qaba ee ku nool magaalada Borama.

Marwo Raxma Xaaji Muxumed Suldaan, marwadda madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa maanta la ciiday carruurta baahiyaha gaarka ah qaba eek u nool magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal, iyada oo ku booqatay dugsiga ay wax ku bartaan, waxaaney u qaybisay agabyada kala duwan ee ay u baahan yihiin, waxaaney sheegtay in carruurta baahiyaha baahiyaha gaarka ah qaba ay la mid yihiin ubadka kale sidaa darteedna ay u baahan yihiin daryeel dheeraad ah iyo in xil la iska saaro si ay u sii wataan waxbarashadooda.

Sidoo kale waxa madashaasi ka hadlay haween ka socday urrurada samafalka ee gobolka Awdal, oo ka waramay xaalada caruurta iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin in laga caawiyo.

Gaba’gabdii carruurta baahiyaha gaar ah qaba ayaa marwada uga mahadceliyay booqashada iyo cawimada ay munaasibada ciida ku taageeratay, iyaga oo sheegay in ilaa maalintii dugsigooda la aasaasay in ay gacanta ku haysay abaal weyna ay uga hayaan marwada taageerada iyo naxariista ay la garab taagan tahay dugsigooda.