Xildhibaan ka tirsan Golaha wakiillada Somaliland oo geeriyooday

Waxa ku geeriyooday Dalka Itoobiya ALLE haw naxariiste xildhibaan Nuur Cismaan Guuleed, oo ka mid ahaa mudnayaasha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.

Muddadii u danbaysay xaalad caafimaad ayuu ujiifay magaalada Diri-dhaba, ee dalka Itoobiya, halkaas oo maanta xaqi ALLE ugu yimid.

Waxa uu soo noqday wasiir ku xigeenkii wasaaradda diinta iyo awqaafta iyo guddoomiyihii gobolka Daadmadheedh.

Marxuunku wuxuu ahaa , guddoomiyihii guddida joogtada golaha wakiillada Somaliland.

Dhab ahaantii waxa uu xildhibaan afgaab, aad u cibaado badan, salaada Duxada ayuu aad ugu dadaalinjiray iyo salaadaha faralka, waaniga waxa markhaati ka ah maalinta qiimaha badan ee uu geeriyooday, waxa uu geeriyooday bil ramadaan, xilli lagu jiro dabayaaqada 10-kii danbe ee bisha Ramadaan.

ILLAAHEY samir iyo iimaan haka siiyo, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii, golihi iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxay.