Hargeysa: Xaafad go’doon kaga jirtay magaalada oo waddo loo dhisayo

Dawladda hoose oo bilaabaysa Dhismaha Jidka Xaafada Sheekh Cumar iyo Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka JSL.

 

Gudida iskaashatada Basaska u kala goosha xaafada degmada 31-ka May ee magaalada Hargeysa ayaa qadar lacag ah oo ay kaga qayb qaadanayaan dhismaha Waddada isku xidhaysa taliska ciidanka Qaranka Somaliland ilaa xaafadda Sheekh Cumar ku wareejiyay masuuliyiinta degmada 31 May ee dawladda hoose.

Jidkan oo mihiim u ah isu socodka gaadiidka iyo dadka ayaa dhawaan la bilaabaya dhismaheeda, sida lagu sheegay war qoraal ah oo lagu baahiyay barta facebook ee dawladda hoose ee Hargeysa.

Geesta kale waxa ay masuuliyiinta dawladda hoose ee degmada 31 May uga mahadnaqeen guddida iskaashatada basaska ee xaafada 31 May, sida ay markasta heganka ugu yihiin horumarinta ka socota degmada.

Xaafada waddadan laga samaynayo ayaan lahayn Laami iyo waddo fiican oo gaadiidku maro.