Dhalinyaro Isu-xilqaantay nadiifinta Wadooyinka Hargeysa

Dhalinyaro Mutadawiciin ah ayaa olole nadafeed ka fuliyey jidadka mihiimka u ah isu socodka gaadiidka iyo dadka ee magaalada Hargeysa, ololahaasi oo ay ugu magac dareen kaalay ku sug suxuurta si aanay kaaga tagin salaadda Taanjudku.

Dhalinyaradan ayaa ka hadlay ololahaas nadaafadeed oo ay in muddo ah waddeen jidadka waa weyn ee dhexmara magaalada Hargeysa, waxaaney sheegeen in habeenkii xalay ahaa soo gaba’gabeeyeen ololohoodaasi bilicda caasimada kor u qaadisteeda kaga qaybqaadanayaan, iyada oo intaas ku daray in si isxilqaan ah ay u waddeen ololahan nadaafadeed, dhalinyaradaasi waxay xuseen in aanay jirin cid shaqadoodaasi ku kaliftay, ay iyagu si iskooda u go’aansadeen in ay bulshadooda wax ugu qabtaan.

Gaba’gabadii dawladda hoose ee caasimada Hargeysa, ayaa hanbalyo u dirtay cidkasta oo si uun ugu hawlan bilic soocelinta caasimada, waxaaney tilmaameen in ay mihiim tahay in gacmaha la isu qabsado sidii markasta horumarka looga wada shaqaynlahaa.