Booliska Tunisiya oo xidhay Hogaamiye Mucaarid ah oo caan ah

Booliiska Tunisia ayaa xabsiga dhigay hoggaamiyaha xisbiga Ennahda Rached Ghannouchi, oo ah ninka ugu caansan ee mucaaradka madaxweyne Kais Saied, waxaana xisbigiisu sheegay in tallaabadaasi ay muujinayso inuu sii kordhayo xadhigga lala beegsaday dad badan oo si weyn uga soo horjeeday Saied.

 

Saacado kadib markii la xidhay Ghannouchi, ayaa booliisku waxay weerareen xarunta xisbiga Ennahda , waxayna ka daadgureeyeen dhammaan dadkii joogay, si ay u billaabaan baaritaan qaadan doona maalmo, kadib markii ay soo bandhigeen amar maxkamadeed, sida ay saraakiisha xisbigani u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters.

 

Booliska ayaa weeraray guriga Ghannouchi fiidnimadii isniinta,iyaga oo baadhay kahor inta aanay geynin waxa uu xisbiga Ennahda ugu yeedhay “meel aan la aqoon”.

 

“Waa isku day lagu doonayo in lagu weeraro Ennahda iyo xisbiyada mucaaradka, waxaan ka cabsi qabnaa inay horudhac u noqoto in xisbiga la xayiro,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, Riadh Chaibi, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan xisbigan.

 

Booliska ayaa sanadkan xidhay siyaasiyiin waaweyn oo ku eedeeyay Saied inuu afgambi ku sameeyay tallaabadii uu baarlamaanka la soo doortay ku kala diray 2021-kii, taas oo sababtay inuu wareegto ku xukumo dalka inta laga qorayo dastuur cusub.

 

Maamulka Tunisia ayaa Talaadadii mamnuucay shirar ka dhici lahaa dhammaan xafiisyada xisbiga mucaaradka ah ee Ennahda, waxaana booliska ay xidheen xarunta dhexe ee isbaheysiga mucaaradka ugu weyn ee Salvation Front, sida ay sheegeen xisbiga iyo ilo-wareedyo rasmi ah.

 

𝐑𝐞𝐮𝐭𝐞𝐫𝐬.