WHO oo Daawooyin ku wareejisay Somaliland

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr-Maxamed Cabdi Xergeeye  ayaa maanta garoonka Caalamiga ah ee Cigaal kagala Wareegay Daawooyinka Caafimaad Haayadda Caafimaadka aduunka (WHO) Madasha uu Agaasimuhu kula wareegayay Daawooyinka ayaa waxaa kasoo qayb-gelay qaar ka mid ah Masuuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Masuuliyiin Sarsare oo ka socday Haayadda Caafimaadka aduunka.
Ugu horayn waxaa Madasha hadalo ka jeediyay Madaxa Haayadda Caafimaadka aduunka Xafiiskeeda Somaliland isagoo ka waray daawooyin Caafimaad iyo Muhiimada ay leeyihiin, isagoo xusay inay hordhac u tahay dawooyin Caafimaad oo Dalka soo gaadhi doona Mudooyinka Soo socda.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka oo si rasmi ah ugala wareegay Daawooyinka ayaa dhankiisa ku dheeraaday Daawooyinkan iyo Muhiimada ay u leeyihiin dalka, isagoo hoosta ka xariiqay inay qayb-ka weyn-ka qaadan doonto dadaalada loogu jiro Sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyadda Caafimaadka ee dhamaan goboladda iyo dagmooyinka dalka, agaasimaha ayaa uga Mahadceliyay deeqdan daawooyinka ah ee ay Haayaddu soo gaadhsiisay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka balana qaaday inay si dagdaga ah Wasaaraddu u gaadhsiin doonto Xarumaha Caafimaadka ee loogu adeego Bulshada.