Xildhibaan hore Mataan Hoori oo geeriyooday

Hargeysa(GNA) Alle ha u naxariistee waxa  ku geeriyooday Magaalada Hargaysa xildhibaan Aadan Muxumed Hoori(Mataan) oo ka tirsanaa mudanayaashii hore ee Golaha Wakiilada Somaliland.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta JSL Md Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa Tacsi u diray Qoyskii, Qaraabadii Iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u Naxariistee Marxuum Aadan Muxumed Hoori (Mataan ).
Wasiirka ayaa Alle uga baryay marxuumka inuu Naxariistii Janno ka waraabiyo Qoyskii, Qaraabadii iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxayna Samir Iyo Iimaan ka siiyo.

Xildhibaan hore Mataan Hoori, ayaa kamid ahaa golihii Wakiillada ee la doortay 2005-tii, isla markaana lagu bedelay doorashadii 2021 kii qabsoontay.