Dambi-baadheyaal Bilays ah oo tababar u dhamaaday 

Hargeysa(GNA) Hoggaanka tababarada ciidanka booliska Somaliland, gaashaanle sare Khadar Jaamac Cilmi, ayaa tababar u soo xidhay baadhayaal cusub oo ka mid noqon doona kuwii hore ee ciidanka booliska Somaliland maanta.

Baadhayaashan ayaa ah dufcadii sadexaad ee ka baxa Dugsiga tababarka Lixle Madheera.

Badhayaashan ayaa muddo shan bilooda lagu tababarayay koorsooyin la xidhiidha baadhista dambiyada.

Baadhayaashan ayaa ah dhalinyaro aqoonyahano ah kuwaas oo laga soo dhex xulay Ciidanka Booliska Somaliland.

Muddooyinkii u danbeeyay waxa madaxda ciidanka booliska Somaliland ay ku hawlanayeen kor u qaadista khibrada iyo waayo aragnimada baadhayaasha ciidanka booliska.