Maxay tahay hadyada Qaaliga ah ee Somaliland ugu deeqday Itoobiya?

Borama (GNA) Guddoomiyaha Xarunta Hiil Qur’aan Gamaal Yuusuf Muxumed, ee dayactirka Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah, ayaa sheegay in markii afraad dalka Itoobiya ku wareejiyeen 3 kun oo Kitaab oo Masxafka Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah.

Waxaanu intaa ku daray in markii ugu dambaysay ee ay Kutub ku wareejiyaan dalka Itoobiya in ay ahayd bishan Barakaysan ee Ramadaan.

Waxaanu intaa ku daray Guddoomiye Gamaal in Kitaabada Qur’aanka Kariim ka ah ay dayac tiraan isla markaana au soo uruuriyaan kitaabada Qur’aanka ah ee jeex jeexma isla markaana ay dib u habayn ku sameeyaan.

Sidoo kale waxa uu xusay in Kitaabo googo’an ay ka soo ururiyeen dhawaan mid ka mid ah masaajidada magaalada Borama ee xarunta gobolka Awdal, isla markaana ay ugu baddeleen kuwa ay dib u habayn ku sameeyeen iyo kuwa cusub.

Waxaanu yidhi.“Kitaabkii goo’ga’ay marka aanu ka soo qaadno Masaajidka waxa aanu gayna meel uga baahi badan, imika bishan Ramadaan waxa aanu saddex kun oo Masxaf (Kitaab) gaadhsiinay dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya, iyada oo aanay markii koowaad ahayn balse markii afraad ay ahayd.

Dhawaan masaajid ayaanu ka soo ururinay Kutubtii googo’neyd waxaanu ugu baddelnay Kitaabyadii dib u habaynta lagu sameeyay iyo kuwa cusub, Kitaabbo fara badan ayaa na soo gaadha, waxa aanu uga warhayna sida aanu uga warhayno hawlahayaga gaarka ah, ayaanu Kitaabka Qur’aanka Kariimka iyo Qowlka ALLE uga warhaynaa,”