Madaxweynaha oo arrinta Laascaanood kala hadlay Wakiillada Caalamka

Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta habka maqalka iyo muuqaalka ah (Video Conference) kulan kula yeeshay safiirro, safiir ku xigeenno iyo diblumaasiyiin ka tirsan waddammada kala ah;- Finland, France, Germany, Ireland, Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, United Kingdom, United States of America iyo Wakiil European Union, waxaana kulankaasi lagaga hadlay xaaladda Magaalada Laascaanood sidii xal nabadeed looga gaadhi lahaa iyo doorashooyinka ku soo fool leh Somaliland.

Ugu horrayn, Madaxweynuhu waxa uu ka war-bixiyey tallaabooyinkii kala duwanaa ee ay dawladdu u qaadday dhinaca nabadda iyo xasilloonida Laascaanood, kuwaas oo kala ah:-

1. Xukuumaddu waxay u dirtay Magaalada Laascaanood wefti wasiirro ah si loo xalliyo arrinta laaascaanood, wada-hadalna ay ula furaan madaxda dhaqanka. Madaxda dhaqankuna way ku gacan saydheen.

2. Xukuumaddu waxay oggolaatay si bilaa shuruuda in garaaddadii muddada dheer ka maqnaa Laascaanood inay soo galaan Magaalada si ay qayb uga noqdaan nabad ku soo dabaalidda Magaalada. Hase-yeeshe nasiib darro waxay magaalada la soo galeen Calan Dawlad kale, hub iyo ciidan, waxaanay uga sii dareen xaaladii markaa taagnayd ee ay ahayd inay dejiyaan.

3. Xukuumaddu waxay oggolaatay shirkii ay ku baaqeen Wax-garadka Laascaanood, kaasoo ay Dawladdu u arkaysay inuu qayb ka noqon-doono dedaallada nabadaynta, balse waxa uu shirkaasi noqday mid lid ku ah Qarannimada Somaliland iyo nabadii ay ku naaloonaysay Laascaanood shan iyo Toban kii sanno ee u danbeeyey.

4. Xukuumaddu waxay go’aansatay oo ay ka saartay Magaalada laascaanood gudeheeda dhammaan ciidammadii kala duwanaa ee Jamhuuriyadda Somaliland, si loo yareeyo khasaaraha.

5. Xukuumaddu waxay ku baaqday fulisayna xabad-joojin bilaa shuruud ah, ka dib markii garaadadu ku baaqeen dagaalka ka dhanka ah Somaliland.

6. Xukuumaddu waxay soo dhawaysay dedaaladii madax-dhaqameedkii kale ee Reer Somaliland ee isu xil-qaamay inay nabadaynta Laascaanood ka wada-hadlaan Garaaddada, kuwaas oo in muddo ah ku sugnaa Oog, markii dambena ku soo noqday Hargeysa, markii cidi wada-hadal la furi wayday.

7. Xukuumaddu waxay soo dhawaysay dhex-dhexaadintii ay Dawladda Itoobiya wadday ee ku saabsanaa sidii ay u wada hadli lahaayeen madax-dhaqameedkii kale ee Somaliland iyo Garaaddada Laascaanood, kaas oo markii loo diyaar garoobay in lagu wada-hadlo Addis-ababa ka suurto-geli waayey dhinaca Garaadada.

Waxay Safiirrada, ku xigeenada iyo diblumaasiyiintu uga mahadnaqeen Madaxweynaha Qaranka Somaliland inuu ka ajiibay kulankan, waxaanay u soo jeediyeen inay suuragal tahay in Ciidammada Dawladda laga durkiyo Laascaanood.

Madaxweynuhu waxa uu ku xidhay soo jeedinta Diblomaasiyiinta shuruud ah; In Maamulka Puntland kala baxo magaalada Laascaanood Ciidanka, hubka iyo Taangiyada, kuwaas oo iyagoo caadifad qabiil ku beer laxawsanaya ku dhex-milmay Shacbigii Reer Somaliland ee Laascaanood, taasina ay tahay sababta aanay Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland illaa maanta wax weerar ah ku qaadin Magaalada Laascaanood, islamarkaana marka Maamulka Puntland ka baxdo xadka Somaliland ee ay isku soo hadhaan Dawladda Somaliland iyo Shacbigeeda Laascaanood ay Xukuumaddu diyaar u tahay inay ka wada-hadlaan danahooda.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu ku wargeliyey Safiirrada in Ciidamada Maamul Gobolleedka Puntland ee Soomaaliya ee Laascaanood soo buux dhaafiyey ay ujeedadoodu tahay inay jeexaan xuduud qabyaaladeed saamayn-doona waddamo kale oo ka mida Afrika, Waxaanu intaas ku daray in ay Qaranka Somaliland ka go’an tahay inuu difaacdo Dalkiisa iyo Xuduudihiisa, sida waddamada kale ee Adduunka ay waajibka ugu tahay inay difaacdaan Xuduudahooda.

Ugu danbayntii, Madaxweynuhu waxa uu uga war-bixiyey safiirrada Arrimaha Doorashooyinka, isagoo u sheegay in ay xukuumaddu hore diyaarisay wixii kharashaad kaga aaddanaa doorashooyinka, isla markaana in masuuliyadda qabashada Doorashooyinka uu u xilsaaran yahay Komishanka Doorashooyinka Qaranku.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada JSL.