Shiinaha Jawaab deg deg ah ku weeraray bayaan ka soo baxay Somaliland

Dawladda Shiinaha ayaa jawaab cadho leh oo ka dhan ah dimuquraadiyadda iyo xorriyadda dawladaha kaga jawaabtay qoraal ka soo baxay Somaliland oo dawladda Somaliland ku taageertay dawladda dalka Taiwan.

Qoraalka ka soo baxay Somaliland oo taageero siyaasadeed loogu muujisay Taiwan ayaa ku abuurtay dawladda dalka Shiinuhu inay hadal is burinaya oo ammaan iyo hanjabaad ah in ay kaga jawaabto.

Qoraal ka soo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibedda Jamhuuriyadda Somaliland oo fariin ku baahisay barteeda Twitter shalay ayaa lagu sheegay in Somaliland garab taagan tahay dimoqraadiyada Taiwan. Waxaanay u dhiganyd sidan;

“Xuduudaha qaran ee jira ee waddanka waa in la ixtiraamo lagana ilaaliyo u soo gudubka argagixisada ama khatar dibadeed.

Sidoo kale fariinta xukuumada ayaa lagu dhaliilay tallaabo Shiinahu dhoolatus kaga samaynayo biyaha Taiwan, waxaana lagu yidhi, “laakiin, dhoolatuska Shiinuhu, run ahaantii, wuxuu jabinayaan maqaamkii xaalkii meqaamka marinta Taiwan. Somaliland waxay la taagan tahay Taiwan, kulana midaysan tahay hanaanka dimuquraadiyadda.”

Dalka Taiwan oo ka falceliyey fariin Somaliland u jeedisay dalka shiinaha ayaa ku celiyey inaanay u dabcayn cadaadiska Shiinaha, waxaanay fariin Safaarada Taiwan ee Somaliland shalay baahisay ku tidhi,

Dhoolatusyada Shiinaha waxay khalkhal galinayaan wadamada Indo Pacific-ka, waxayna burburinayaan xaalada marinka Taiwan. Taiwan waxay dib u xaqiijinaysaa go’aankeeda ah in aanay waligeed u sujuudayn maamulka kalitaliska ah ee Shiinaha.

Dhinaca kale, dalka Taiwan ayaa ka mahadcelisay tallaabada Somaliland kaga dhiidhiday gardarada Shiinaha, “Waxaan u mahadcelineynaa Somaliland iyo saaxiibada isku fikirka ah sida wadajirka ah ee looga hortagayo gardarradaas.

Dhinaca kale, dawladda dalka Shiinaha ayaa taageertay mowqifka Somaliland la garab-istaagtay Taiwan, inkastoo dhinaca kale ay damaqday fariinta Somaliland.

Fariin uu bartiisa Twitter ku baahiyey safiirka Shiinaha ee Soomaaliya FEI Shengchao xalay goor dambe ayuu ku yidhi,

“Waad ku mahadsan tahay taageeradaada. Waa in la ixtiraamaa xuduudaha qaranka.

Fariinta shiinaha ayaa lagu sheegay in aanay Somaliland ka samaynin “xuduudaha qaranka” meel aan jirin. Dhinaca kale Xukuumadda Somaliland ayaa caddaysay in ay dalkeed aka difaacayso cadaw kasta oo isku daya in uu dibedda ka soo duulo gaar ahaan argagixisada doonaysa inay gabbaad usoo raadsadaan Somaliland