Hargeysa: Hooyo xaamilo ahayd oo ku Geeriyootay Musqul

Alle haw naxariistee hooyo 7 caruura haysayay xaamilana ahayd laguna magacaabo Samiira Maxamed Cabdiraxmaan ayaa abaaro 2:00 habeenimo ku geeriyootay Musqul la duntay,Ciidanka Dab-demiska Hargeysa markii Qaylo dhaantaa la soo gaadhsiiyay si degdega ayuu ciidanku u gaadhay goobtaas, waxaana maydka uu ka soo saaray Musqusha.Gabadha ayaa Quustay musqusha oo buuxday, sidoo kale waxaa iyaduna ku duntay sabbadii.

Ciidanka Dab-demiska ayaa intaa kadib Meydka ku wareejiyay ciidanka Dambi baadhista ee CID da.

Ugu dambayn ciidanka Dabdemisku wuxuu ku wacyigelinayaa bulshada inay ka taxadaraan Godadka iyo Musqulaha duugoobay.