Shirweynaha Caafimaadka Maanka oo ka furmay Hargeysa

Wasirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa maanta Daah-furay shirka Guddida Heer-qaran ee Caafimaadka maanka.
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka waaxdeeda Caafimaadka maanka ayaa maanta soo qaban qaabisay shirka Sadexbilloodka ahaa ee u dhaxeeyay waaxda maanka iyo Guddida Heer qaran ee Caafimaadka maanka oo ka kooban 4 Wasiir oo kala ah Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mudane Xasan Maxamed Cali (gaafaadhi), Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Dr’sacad Cali shire, Wasiirka Wasaaradda diinta iyo awqaaafta sheekh albaani, Wasiirka Wasaaradda Shaqagalinta Arrimaha Bulshadda iyo Qoyska Eng Cali Cumar Maxamed (Cali xoor xoor) Agaasimaha guud ee WHC iyo Xubno ka kala ka socday ganacsatada qaadlayaasha iyo ururada maxaliga ah.
Shirkan oo saaka ka dhacay hotel baraar ee Magalada Hargaysa oo saacado badan socday ayaa waxa layskaga xog-waraystay waxqabadkii waaxda maanka iyo waxyaabihii u qabsoomay Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay, Caqabadaha jira iyo sidoo kale waxyaabaha ay Muhiimka tahay in la qabto sadexbiloodka soo socda.
Waaxda Caafimaadka Maanka ayaa soo bandhigtay waxyaabihii u qabsoomay saddexdii bilood ee lasoo dhaafay, Waxyaabaha u qabsoomay waxaa ka mid ah.
1: Tayaynta adeega Caafimaaddka ee gobolada
2: Tayaynta Xarumaha Cilaajyada.
3: Daawaynta iyo Quudinta Bukaanadda maanka ka Xanuunsanaya ee lagu hayo xarumaha daryeelka Caafimaadka maanka.
4: kor u qaadista aqoonta shaqaalaha Caafimaadka Maanka.
5: Samaynta Wacyigelino Joogto ah oo bulshada lagu fahansiinayo habladhaqanka ugu haboon ee ay u baahanyihiin dadkeena maanka ka xanuunsanaya.
6: Kormeeridda Xarumaha lagu daryeelo Bukaanada maanka ka xanuunsanaya ee lagu hayo xarumaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawliga ahba.
7: dhisida dhismayaal Cusub oo lagu daryeelayo dadka manka ka xanuunsan iyo sidoo kale datactirka Xarumihii hore u dhisnaa.
Wasirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ayaa ku dheeraaday ahmiyadda uu shirkani leeyahay iyo sida ay muhiimka u tahay in mar walba wax laska waydiiyo waxyaabaha qabsoomay, kuwa aan qabsoomin iyo sababihii ay u qabsoomi waayeen, isagoo dhanka kale uga Mahadceliyay Ganacsatada Qaadlayaasha oo Taageero weyn ka gaystay sidii Hawshani u noqon lahayd mid midho dhal ah.
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL ayaa Mudooyinkii u dambeeyay ahmiyadd gaar ah siisay daryeelka iyo xanaanaynta dadkeena maanka ka xanuunsan, iyadoo sidoo kale barbar wada tayaynta iyo kor u qaadista xarumaha Caafimaadka maanka ee dhamaan gobolada dalka, kor u qaadista aqoonta shaqaalaha gacanta ku haya xaruamaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa dawliga ah ee lagu daryeelo Bukaanada maanka ka xanuunsanaya.