Taliyaha Booliska oo kulan la yeeshay Golaha Wakiillada

Guddi hoosaadka joogtada ah ee golaha wakiillada Somaliland ayaa maanta kulan is xog wareysiya la yeeshay taliyaha ciidanka booliska Somaliland Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale).

Guddooiy ke xigeenka Guddiada Joogtada ah ee Golaha wakiilada Somaliland Xildhibaan Axmed Cabdi Muuse ayaa warfidiyeenada uga warbixiyey waxyaabihii ay ka wada hadleen Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi, wxaanu xildhibanku sheegay in taliyuhu mudanayaasha guddidaasi uga waramey xaalada nabadgelyo ee dalka.

Guddoomiye ku xigeenka guddida joogtada ah ee golaha wakiilada Somaliland ayaa sheegay in taliyaha ciidanka boolisku guddidaas faahfaahin ka siiyey kiisaskii kala duwanaa dalka ka dhacay iyo xiligan halka ay marayaanba, gudoomiye ku xigeenka guddigaasi xildhibaan Axmed Cabdi Muuse ayaa xusay inay su-aalo kala duwan taliyaha ciidanka booliska Somaliland ka weydiiyen howlaha amniga dalka, dhankiisana taliyaha booliska ayaa mudanayaasha golaha wakilada ka dalbadey in la sameeyo xeerka ka hortagga argagaxisada.