Wasiirka Arrimaha gudaha oo la kulmay Safiirka Itoobiya

Wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa kulan la qaatay Safiirka Cusub ee Dawladda Federalka Itoobiya u soo magcawday Jamhuuriyadda Somaliland, Ambassador Delil Kedir Bushra.

Kulankan ay wada yeesheen wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL iyo Safiirka Cusub ee dawladda Federalka Itoobiya ayaa ku saabsanaa isbarasho iyo soo dhowayn wasiirku u sameeyey Safiirka.

Dhinaca kale wasiirka wasaaradda arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa safiirka warbixin ka siiyey nabadgelyada buuxda ee ka jirta dalka Jamhuuriyadda Somaliland, horuumarka ka socda dalka iyo Iskaashiga ay Somaliland la leedahay wadamada jaarkeeda ah, oo ay ugu horeyso Iskaashiga nabadgelyada.

Safiirka ayaa Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha uga mahadnaqay soo dhowaynta uu u sameeyey, isagoo ku ammaanay Jamhuuriyadda Somaliland nabadgelyada iyo hanaanka Dumuqraadiyada.

Kulankan Wasiirka waxaa ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Yuusuf Ismaaciil iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Arimaha Gudaha.