Kulanka Qiimaynta Hawl-Qabadyada saddex biloodka hore ee Qorshaha komishanka Maamul Wanaaga ee 2023-ka

Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wanaaga JSL Liibaan Ismaaciil Cabdillaahi, guddoomiye ku xigeenka Pro. Axmed Xasan Ibrahim iyo agaasimaha guud Marwo Farxiya Maxamed Cabdiraxmaan ayaa Hoolka xafiiska Komishanka kulan kula qaatay agaasime waaxeedyada Komishanka.

Shirkan ayaa intii uu socday waxa lagu lafa’gurey hawl-qabadyadii qorshaha sanadkan 2023-ka saddexdiisii bilood ee hore wixii ka qabsoomay.

Sidoo kale waxa intii shirkaasi socday lagu sooqaaday sidii waaxyuhu u soo gudbin lahaayeen hawl-qabadyadooda saddexdan bilood ee danbe iyo sidii hawlaha komishanka loo socodsiin lahaa.

Koomishanka maamul wanaaga Somaĺiland ayaaa markasta isugu yimaada kulamo ay doonayaan inay ku horumariyaan hawlaha shaqo ee ay Qaranka masuulka uga yihiin.

Madaxda Koomishanka maamul wanaaga ayaa kormeero kala duwan ku soo mara xarumaha iyo hay’addaha dawladda si ay ugu kuurgalaan habsami usocodka shaqo ee hawlo Qaranka iyo bulshadaba loo hayo, iyaga oo masuuliyiinta ay la kulmaan kula dardaarma sidii ay hawlaha u laba jibaarilahaayeen.