Berbera: Baddeecado dhacay oo la gubay

Hay’adda Dhawrista Tayada JSL ayaa Maanta Magaallada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil ku Gubtey Badeecaddo Wakhtigeedu dhacay.

Badeecadaha la gubay ayaa kala ahaa Timir, Sigaar iyo Taydh oo dhamma 4 Koontiiner.8

Badeecadaasi ayaa waxa ay hay’adda Dhawrista Tayada JSL ka soo qabatay gudaha Dekedda Magaalladda Berbera.

Ugu danbayntii waxa lagu gubay goobaha alaabta dhacday lagu gubo ee Magaalada Berbera.

Inta badan hay’adda dhawrista tayada Somaliland ayaa gubta alaabooyinka iyo cunooyinka wakhtigoodu dhammaaday.