Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay Dagaalka ka dhacay Laascaanood

Wasaaradda gaashaandhiga Somaliland ayaa sheegtay in ay ciidanka Qaranka JSL, ay soo weerareen kooxo argagixiso ah iyo huwan ay hogaaminayso maamulka gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Sidoo kale waxa warka ka soo baxay wasaaradda gaashaandhiga Somaliland lagu sheegay in ay Somaliland markasta ilaalinayso xabadjoojintii ay hore ugu dhawaaqday.

Warka ka soo baxay wasaaradda gaashaandhiga Somaliland oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wargeyska Dawan, ayaa u dhigna sidan.

Ciidanka Qaranka JSL, ayaa fashiliyey isku day weerar oo ay soo qaadeen kooxaha argagixisada ah iyo huwanta kale ee uu hoggaamiyo maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

Dagaalka maanta waxa uu Ciidanka Qaranku JSL ka soo hooyay guullo waa wayn.

Jamhuuriyadda Somaliland waxay mar kasta ilaalinaysaa xabbad joojintii ay hore ugu dhawaaqday, Ciidanka Qaranka JSL wuxuu mar kasta ka dhawrsanayaa dhibaato soo gaadha Magaalada Laascaanood.

Ciidanka Somaliland, isaga oo dhaaddan xurmada bisha barkaysan ee Rabadaan, wuxuu hadana cid walba xasuusinayaa inuu u taagan yahay ilaalinta dadka iyo dalka Jamhuuriyadda Soomaaliland.

Ciidamada qaranka ayaa dagaalkan saaka lagu soo qaaday ka gaadhay guulo waa weyn, iyagoo ku qabsaday gaadiid dagaal, sidoo kalana gacanta ku dhigay Maxaabiis.