Xukuumadda oo raashin Mucaawimo ah gaadhsiisay Deegaanka Taala-buur

Hay’adaha ka hortaga aafooyinka iyo kaydka raashinka Qaranka Somaliland ayaa kaalmo raashin ah gaadhsiisay bulshada degaanka Taalo-buur.

Hay’adda ka hortaga aafooyinka iyo kaydka raashinka Qaranka Somaliland ayaa maanta 150 qoys gaadhsii say kaalmo raashina, kuwaas oo ay saameyn ku yeesheen daadadkii ka soo rogmaday roobabkii dhawaan ka curtay degaanka Taala-buur oo hoos yimaada gobolka Togdheer.

Isu’duwaha hay’adda ka hortaga aafooyinka iyo kaydka raashinka Qaranka Somaliland ee gobolka Togdheer Cismaan Ismaaciil, ayaa sheegay in kaalmo ka kooban lix nooc ay u qaybiyeen dadkii ay barakiciyeen daadadku, waxaanu intaas ku daray in ay wax weyn u tari doonto dadkii daadadkii soo rogmaday ay dhibaatada gaadhsiiyeen.

Geesta kale waxa uu tilmaamay ka hay’ad ahaan in ay markasta u taagan yihiin ka jawaabista wixii dhaca, waxaanu intaas ku daray in dadka raashinka loo qaybiyay ay soo xuleen guddida iyo maamulka degaanka Taala-buur oo iskaashanayaa.