Wasiir Cali Xoor-xoor oo la kulmay Guddida Joogtada Guurtida

Guddida Joogtada Golaha Guurtida Somaliland ayaa kulan xog-wareysi ah la yeeshay wasiirka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland Eng- Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor), kaas oo warbixin ka siiyay hawsha wasaaradda uu masuulka ka yahay ay qaranka u hayso.

Eng. Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor ) wasirka wasaradda Shaqo-galinta, arrimaha bulshada iyo Qoyska ayaa in sharcigii ilaalinta xuquuqda carruurta ay dhammeystireen, kaasi oo baarlamaanka Somaliland Meel-mariyeen ka wasarada ahaana ay gacanta ku heyaan, waxa uu intaas ku daray in magaalooyinka Wajaale iyo Lowyacado ay ka sameeyeen xafiisyo dadka tahriibayayaasha ah lagaga reebayo carruurta tahribinayaan.

Dhinaca kalena wasiirku waxa uu faah-faahin ka bixiyey talaabooyin ay ku daryeelayaan ilaalinta bulshada qaybaheeda kala duwan, isagoo xusey in xarunta lagu xanaaneeyo carruurta Darbijiifka Maxamed Mooge xukuumaddu u sameysay dakhli lagu daryeelayo laguna dhaqan celiyo carruurtaasi.

Gaba’gabadiina Guddoomiyaha Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland Xildhibaan Dayib Xassan Axmed, ayaa uga mahadceliyey wasiirka Wasaradda shaqo-gelinta sidii fiicneyd ee uu u soo ajiibay dalabkii mudanayaashu u direen.