Maxay xukuumaddu ku arragtay jidka isku xidha Berbera iyo Hargeysa?

Wasiir ku xigeenka wasaradda horumarinta jidadka Somaliland, agaasimaha guud ee wasaaraddaasi, guddida dhismaha Mashruuca Berbera Corridor iyo Masuuliyiinta gobolka Saaxil ayaa siwada jir ah kormeer indho indheyn ah ku soo marey jidka u dhaxeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera iyo goobaha roobabdkii dalka ka da’ay waxyeeleeyeen.

Guddoomiyaha gobolka Saaxil Dr. Axmed Maxamed Xaashi ayaa sheegay in dooxyada u dhaxeeya Berbera iyo Hargeysa waxyeelo ka soo kaadhey roobabkii dhawaan halkaasi ka da’ay, Biriishyada Lafa-ruug iyo Dacar-budhuq, waxaanu intaas ku daray in ay lagama maarmaan ay tahay in dib u sixid lagu sameeyo shirkadahaasi wixii ka qaldamey.

Wasiir ku xigeenka wasaradda Horumarinta jidadka Somaliland Cabdinaasir Caydiid Maxamed, ayaa sheegey in jidka isku xidha Berbera ilaa Wajaale in shan meelood oo ka mid ahi khasaare soo gaadhey, waxaanu xusey in imika gacanta lagu hayo sidii loo sameyn lahaa, waxaanu tilmaamy dib u dhis kooban imika lagu sameynayo goobaha khasaaraha roobku gaadhsiiyey, balse xilliga Gu’gu dhammaado hawshooda si caadi ah loo gudo gali doono.

Dhinaca kalena, Wasiir ku xigeenka wasaradda Horumarinta jidadka Somaliland waxa uu meesha ka saarey warar xildhibaanada golaha wakiilada JSL qaarood ka faafinaayeen wadadaasi.