Ciidanka Bilayska oo haya Alaab lagu qabtay Nin Sixiroole ah

War ka soo baxay ciidanka booliska Somaliland, ayaa lagu sheegay in saraakiisha sar sarre ee ciidanka booliska oo kaashanaya qaybta xuuraanka ciidankaasi, in ay gacanta ku soo dhigeen eedeysane Xamse Yuusuf Maxamed oo qaab sixir ah bulshada hantidooda kaga dhacaayey

Sidoo kale waxa uu warku intaas ku daray in eedaysanahan muddo badan ciidanka booliska Somaliland ay raadjoogeen, isla markaana laga soo qabtay mid ka mida Huteelada gudaha magaalada Hargeysa oo uu degana muddo laba sano ah.

Geesta kale waxa warka ka soo baxay ciidanka booliska JSL, lagu sheegay in goobtii eedaysanuhu degana loogu tagey, baaskoolado, dahab iyo maar iyo geedo sixir ah, 17 moobil oo noocyada dan ka hadasha ah, 5 xabbo oo nooca Smart Phone-ka ah, 27 shandadood oo nooca dumarku gacanta ku qaataan ah, aqoonsiga kaadhka dhalashada Somaliland iyo macluumaad kale.

Gaba’gabadii warkan waxa ay ciidanka boolisku bulshaweynta caasimada Hargeysa ku wargaliyeen in ciddii alaabtaasi ka maqan tahay ay kala soo xidhiidhaan xafiiska baadhista saldhiga dhexe ee Magaalada Hargeysa.