Mudaharaadyada ka socda Yuhuuda oo walaac ku abuuray Maraykanka

Tobanaan kun oo mudaharaadayaal ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka Magaalooyinka Israa’iil, iyagoo ka cadhooday ka dib markii Raysal-wasaare Benjamin Netanyahu uu si lama filaan ah shaqada uga eryey Wasiirkiisii Gaashaan-dhiga, kaas oo ka hor yimi qorshihiisa dib u habeynta Garsoorka.

Dibad-baxayaasha Tel Aviv, oo xidhan calaamadaha cadaanka iyo buluuga ee calanka dalkaasi ka kooban yahay ayaa jaray waddo weyn oo ku taala magaaladaasi galinkii dambe ee Axadii shalay ,iyagoo halkaas ku shiday waxyaabo ololaya.

Geesta kale Ciidamada booliska ayaa biyaha rabshadaha lagaga hor-tago u adeegsaday mudaharaadayaal isugu soo baxay barxada hore ee guriga gaarka ah ee Raysawaare Netanyahu ku leeyahay Qudus.

Subaxnimadii hore ee isniinta, Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa ugu baaqay dowladda inay joojiso qorshaha dib u habeynta garsoorka si loo ilaaliyo midnimada dalka.

Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in uu aad uga walaacsan yahay arrimaha ka socda Israil waxa uu ku baaqay in tanaasul la sameeyo.

Dib u habeyntan uu wado Raysal-wasaare Benjamin Netanyahu ayaa waxaa ku jira qorshayaal si buuxda u siinaya dowladda inay gacanta ku dhigto guddida soo magacaabaysa garsoorayaasha.