Wasaarada xannaanada Xoolaha oo Daahfurtay mashruuc lagu Daaweynayo xoolaha

Wasaaradda xanannada xoolaha iyo horumarinta kallumaysiga Somaliland oo kashanaysa hay’adda FA’O, ayaa maanta magalada Hargeysa ku kala dirtay 25 kooxood oo ka qayb qaadan doona ollolaha daawaynta Xoolaha guud ahaan ku nool Gobolada iyo degmooyinka dalka, iyadoo laga daawayn doono xannuunada guud ee ku dhaca xoolaha.

Iyadoo lixdi biloodba hal mar laga daaweeyo xoolaha Somaliland, xannuunada guud, waxaana hawshan inta badan heegan u ah oo qabata xafiisyada wasaaradda xannnaanda xoolaha iyo horumarinta kalluumeysiga Somaliland ku leedahay gobollada iyo degmooyinka dalka.

Inkastoo aanay jirin xanuuno hadda laga daaweynayo xoolaha oo inagu yimid, balse wasaaradda xanannada xoolaha waxaa u qorshaysan inay ka war hayso markasta xoolaha oo ah laf-dhabarta dhaqaale ee bulshada Somaliland.

Xannuunada guud ee laga daawayn doono xoolaha ku nool degaanada Somaliland, waxaa ka mida kuwooda xoolaha ku dhaca kuwa ugu mudan, ee sida nafaqo-darrida, caalka, iyo xanuunada lamidka ah.

Xannuunadan laga daaweynayo xoolaha waxa soo go’aamiya khuburada caafimaadka ee wasaaradda xannaanada xoolaha Somaliland.

Gaba’gabadii wasaaradda xanannada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysigu, waxa ay ugu baaqday bulsho weynta Somaliland inay ka qayb qaataan caafimaadka xoolohooda iyagoo ka faa’idaysanaya kooxaha ay u dirtay wasaaraddu, guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka.