Somaliland: Dhakhaatiir Milateri ah oo ka qalin-jebiyey Jaamacadda Difaaca ee Dalka Itoobiya

Dhakhaatiir ka tirsan ciidanka Qaranka Somaliland ayaa maanta ka Qalinjabiyay Jaamacadda difaaca ee dalka Itoobiya.

War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Somaliland soona gadhay xafiiska warqabadka Wargeyska Dawan, ayaa u dhignaa sidan.

Waxa Maanta oo ay taariikhdu tahay 25 March 25, sannadka 2023 Jaamacadda Difaaca ee dalka Itoobiya ka soo baxay, kana qalinjebiyey dhakhaatiir ka tirsan Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhmmeystay shahaadada koowaad iyo labaad, sidoo kale waxa maanta isla jaamacadaasi ka qalinjebiyey Saraakiil bartay Injineernimada.

Munaasabada loo qaybtay ardayda ka qalinjabinaysay waxaa ka soo qayb galay taliyaha guud ee ciidanka xoogga dalka Itoobiya Marshal Birhanu Jula, saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka Itoobiya, saraakiil ka socda Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu hoggaaminaya Gashaanle sare Nimcaan Yuusuf Cismaan Gaaxnuug, oo ah ku xigeenka hoggaanka xidhiidhka dibedda ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo sarakiil kale oo katirsan ciidanka Qaranka.

Sidoo kale waxa munaasibada qalinjabinta ardaydaasi ka qayb galay marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasibada qalinjebinta oo isugu jira qoysaskii ay ka soo jeedeen ardayda qalinjabisay iyo masuuliyiin kale oo ka socday dalalka la jaarka ah Ethiopia ee ay ciidamadoodu qalinjebinayeen.