Maxay ka wada hadleen Bangiga dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay?

Baanka Somaliland ayaa maanta kulan la yeeshay Baananka Ganacsiga ah ee Baananka Ganacsiga ah ee dalka.

Sidaas waxa lagu sheegay warsaxaafaddeedkan oo ka soo baxay Xafiiska warbaahinta ee Bangiga Dawladda:
“Salaasa, March 21, 2023.
Guddoomiyaha Baanka Somaliland, Mudane Cali Cabdilaahi Daahir oo ay weheliyaan Guddoomiye-ku-Xigeenka Baanka, Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Ismaaciil, Agaasimaha Guud ee Baanka, Mudane Mukhtaar Cabdi Quule, Agaasimaha Qaybta Koormeerka Hayโ€™addaha Maaliyadeed, Madaxa Xafiiska Iswaydaarsiga agabka maaliyaddeed iyo Agaasime ku xigeenka Qaybta Dabagalka Dhaqdhaaqyada Maaliyadeed, ayaa maanta kulan la qaatay madaxda Bangiyada gaarka loo leeyahay ee Somaliland ee Dahabshil International Bank, Dara-Salaam Bank, Premier Bank, Amal Bank iyo Guddoomiyaha Ururka Baananka Somaliland.
Kulanka oo ahaa kulankii u horeeyey sanadkan ay yeeshaan Baanka Somaliland iyo Madaxda Bangiyada Gaarka loo leeyahay waxaa lagu gorfeeyey
1. Xaaladda Guud ee Bangiyada
2. Caqabadaha haysta Bangiyadda
3. Kor u qaadista Daah-furnaanta Dhaqdhaqaaqyada Maaliyadeed iyo Dardar Galinta Dhaqan Galinta Xeer Lr. 87/2019,
4.Hirgelinta Sharia Office iyo Ka shaqeysiinta Xafiiska Iswaydaarsiga Agabyada Maaliyadeed(Clearing House Office ).
Gebogabadii waxaa kulanka waxaa laysla qaatay :-
1- In La dhamaystiro shuruucdii kor u qaadi lahaa kaabayaasha maaliyadeed ee dalka โ€œFinancial Infrastructureโ€.
2- In la diyaariyo qorshaha baananka gaarka loo leeyahay iyo baanka dhexe ay ku hormarin lahaayeen suuqayada maaliyadeed ee dalka.
3- In la shaqo galiyo habka shaqadda iswaydaarsiga agabka maaliyeed (Clearing House) si manual ah.
4- In La dardar galiyo wada xidhiidhka baananka gaarka loo leeyahay iyo baanka dhexe oo kulan kale la iskugu yimaado, hadii ALLE Idmo.