Hargeysa: Dad ku dhaawacmay Shil Gaadhi

6 Qof ayaa Ku Dhaawacmay Gaadhi ku Qallibmay agagaarka dugsiga M.A.Cali ee Magaalada Hargeysa iyo Ciidanka Dab-damiska oo Ka Hawlgalay.

Ciidanka Dab-damiska Caasimada Hargeysa ayaa Habeenimadii xalay ka Hawlgalay Gaadhi Lancruiser ah oo ku Qallibmay agagaarka dugsiga Maxamuud Axmed Cali gaar ahaan halka ay ka socoto waddada cusub ee hadda gacanta lagu hayo.

Gaadhigan waxaa saarnaa 8 Qof waxaana dhaawacmay 6 Qof oo Haween ahaa kuwaasoo dhaawacyo ka soo gadheen Madaxa, gacmaha iyo Feedhaha. Dhaawacyada ayaa u badnaa kuwo fudud marka laga tago gabadh Uur leh oo Gacanta dhaawac ka soo gaadhay.

Ciidanka Dab-damiska ayaa soo toosiyay gaadhigaa shilka galay, sidoo kalena dhaawacii gaadhsiiyay cisbitaalka weyn ee Magaalada Hargeysa.

Ciidanka Booliska iyo Nabadgelyada Waddooyinka ayaa iyaguna Hawlgalkaa Qayb ka ahaa