Somaliland oo yeelanaysa nidaamka maareynta Xogta Caafimaadka

Wasirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka ayaa Maanta Daah-furay Isticmaalka nidaamka maaraynta iyo Horumarinta Macluumaadka Caafimaadka.

Mashruuc ayaa waxa iska kaashaday Wasarada Horumarinta Caafimaadka, Hayada Taiwan ee TaiwanICDF iyo Cisbitaalka Kaohsiung Medical Hospital.

Hargaysa – Wasirk Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Xasan Maxamed Cali (gaafaadhi) Ayaa maanta daahfuray Isticmaalka nidaamka maaraynta iyo Horumarinta Macluumaadka Caafimaadka oo ay inagala Shaqaynayaan Dalka taiwan.

Xafladda lagu daah-furayay nidaamkan ayaa waxaa kasoo qayb-gelay Safiirku xigeenka Safaaradda Taiwan, Agaasime Waaxeedyadda kala duwan ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Isuduwayaasha Caafimaadka ee gobolada dalka, Agaasimayaasha Cusbitaalada dawladda, qaar ka mid ah Masuuliinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo Martisharaf kale.

Ugu horayn waxaa hadalka iska daba qaatay qaar ka mid ah Masuuliyiintii kasoo qaybgashay Munaasibadda lagu daah-furayay nidaamkan lagu Horumarinayo Macluumaadka Caafimaadka, iyagoo dhamantood si isku mid ah hoosta uga wada xariiqay ahmiyadda uu Mashruucani u leeyahay Horumarinta iyo kaydinta Xogta Caafimaadka ee Cusbitaalada dalka, kuna amaanay Wasaaradda iyo Mashruuca ( TAIWAN ICDF) iyo Kaohsiung Medical Hospital sida Wanaagsan ee ay hawshan Hirgelinteeda uga shaqeeyeen.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Ee Somaliland Mudane Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi Oo isagu Daahfuray Madashani Oo ugu Dambayntiina Halkaasi Hadalo ka Jeediyay ayaa ku dheeraaday Marxaladihii uu soo Maray Hirgellinta Mashruucan Ururinta iyo Kaydinta Xogta Bukaanka, Wasirka ayaa Sidoo kale Xusay in uu Mashruucan Wasaaraddu doonayso in uu gaadho dhamaan goboladda iyo Cusbitaalada dalka, Si Sifudud loogu kaydin karo looguna heli karo heli, xogta Bukaanada ee guud ahaan dalka.