Dareen diblomaasiyaddeed oo ka dhashay Buundo kamida Mashruuca Berbera Coridoor

“Imaaraadku wixii ay dhisaan iyaga ka masuul ah wixii khaladaad ka yimaada. Waanay hagaajinayaan….”

Dawlada Imaaraadka Carabta ayaa ka dalbatay shirkadii hore ugu guulaysatay qandaraaska dhismaha jidka Hargeysa iyo Berbera inay dib-u-dhis ku samayso biriijka Lafo-ruug oo roobabkii Gu’gu khasaare soo gaadhsiiyeen.

Sidaa waxa wargeyska DAWAN u xaqiijiyey dublamaasi arrinka u dhuun-daloola oo wax laga waydiiyey.

Muuqaalada dhismaha biriijka Laforuug ee daadadka roobabku qeybo ka mid ah burburiyeen ee bulshadu aragtay isla markaana fikiro kala duwan ka bixiyey ayaa badankoodu soo jeediyeen in lagula xisaabtamo shirkadii hore qandaraaskeeda u qaadatay, isla markaana uu jiro hanaan isla-xisaabtan dhamaan mashaariicaha waaweyn ee dalka laga fuliyo.

Wargeyska DAWAN oo wax ka weydiiyey sida dawlada Imaaraadka carabtu ula socoto burburka biriijka Laforuug dublamaasi arrinkan u dhuundaloola, oo magaciisa ka gaabsaday ayaa yidhi.“Arrinka biriijka Laforuug dawlada Imaaraadku way la socotaa, shirkadii hore u dhistay ayaa lagu amray inay dib-u-dhis ku samayso, iyadoo la raacayo shuruudahii loo dhigay.”

Dublamaasiga ayaa hadalkiisa raaciyey “Imaaraadku waxii ay dhisaan iyaga ka masuul ah waxii khaladaad ka yimaada.

Waanay hagaajinayaan sida la iigu sheegay.

Hadalkan ayaa Meesha ka saari doona werwerkii bulshada ee burburka ku yimi dhismahii biriijka Laforuug oo Madaxweynaha JSL xadhiga ka jaray dhamaystirkiisa 28 February 2022.