Guddoomiye Mukhtaar oo kormeeray Xarumaha Hay’adda Tayada ee Berbera

Gudoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada JSL Md Mukhtaar Maxamed Cali ayaa maanta kormeer ku tagay magaalada Berbera, Waxana uu soo kormeeray qaybaha kale duwan ee hay’adda dhawrista tayada ee magaalo xeebeedka Berbera.

Goobaha ay shaqadu ka socotay ee uu Gudoomiyuhu kormeeray wax ka mid ahaa xafiisyadda Dekada ee hay’adda dhawrista, xarunta shaybaadhka iyo qaybo kale.

Gudoomiyaha waxa halkaasi war-bxin ku siiyey masuuliyiinta hay’adda dhawrista tayadda ee magaalada Berbera waxaanayna Gudoomiyaha u sheegeen in ay shaqadu si fiican u socoto.

Waxa ugu danbayntii Gudoomiye Mukhtaar kula dardaarmay maamulka iyo shaqaalaha hay’adda dhawrista in ay shaqada laban-laabaan oo xil wayn iska saaranaa badqabka bulshada reer Somaliland ee dhinaca baadhista Tayada Alaabaha ka soo dega Dekada Berbera.