Somaliland iyo Norway oo ka wada hadlay Iskaashigooda

Wasiiradda wasaaraddaha arrimaha gudaha, Diinta iyo awqaafta Somaliland, ayaa kulan la qaatay Ergiga gaarka ah ee Dawladda Norway, (MFA Special Envoy) Ambassador Heidi Elburgi iyo Safiirka Kuxigeenka Dawladda Norway ee Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Haakon Svane.

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa weftiga warbixin ka siiyey amniga guud ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo iskaashiga nabadgelyo ee ka dhexeeya Dawladda Somaliland iyo wadamada Jaarka ah.

Iskaashiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawlada Norway ayay ka wada hadleen labada dhinaca iyo weliba mashaariicda horuumarineed, iyadoo kulankan ay ka soo qaybgashay Hay’adda Saferworld oo uu metelayey Cabdilaahi Ibrahim.

Kulan ayaa ku soo dhamaaday isfaham buuxa iyo wada shaqayn labada dhinac ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Norway.

Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL.