Xukuumada Somaliland oo ka Warbixisay Tirada Bara-kacayaasha Magaalada Laascaanood ee Gargaar la Gaadhsiiyey

Xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in taageero kala duwan la gaadhsiiyey baro-kaceyaasha magaalada Laascaanod oo degaamo kala duwan ku kala sugan.

Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa warbixin ka soo saartay tirada dadka baro-kacayaasha ah ee Xukuumadda iyo Hay’adaha samo-falku ay kaalmeeyeen.

Warbixinta Wasaaradda Qorshayntu waxay u qornayd sidan:-

Tirada Barakacayaasha cusub

23kii February, 230 qoys oo baro-kacayaal ah ayaa soo gaadhay magaalada Burco, kuwaasi oo ka soo baro-kacay magaalada Laascaanood.

29-kii February, 909 qoys oo barakacayaal cusub ah ayaa soo gaadhay Toddoba goobood oo kala ah; Kulaal, Boodacade, Dib-qarax, Karin caro, Jiidali iyo Awr-boogays oo gobolka Sanaag ah.

Taakulaynta Barakaca Laascaanood.

  • Taakulada ay Hay’adduhu gaadhsiinayaan ilaa iyo imika si wax ku ool ah ayay u socdaan iyaga oo ay Hay’addaha ay gacan siinayso Xukuumadda Somaliland iyo dadka deegaankuba.
  • Hay’adda ka hortaga Aafooyinka iyo Keydka Raashinka NADFOR iyo Hay’adaha caalamiga ah ayaa taakulo kala duwan gaadhsiiyay 9,534 qoys oo ku kala sugan 17 goobood oo ku kala yaalla Sool, Sanaag iyo Buhoodle, kuwaasi oo loo qeybiyay caawimo iskugu jirta Biyo dhaamin, Lacag ay cunto siistaan iyo Alaabooyinka kale ee daruuriga ah ee dharku ka mid yahay.

Waxa kaloo la sameeyay nidaam fududaynaya habka isku dubo-ridka (Coordination mechanism), in caawimo la gaadhsiiyo dadka ka barakacay Laascaanood, si fududna looga war hayn karo dhammaan Hay’addaha caawimada geynaya.