Qatar oo maanta la dhaariyey ra’iisul wasaare cusub

DOHA (GNA)-Diblomaasiga ugu sarreeya Qatar ayaa maanta loo dhaariyey ra’iisul wasaaraha dalka, isaga oo beddelaya xubin kale oo ka tirsan qoyska dalka xukuma, kaasi oo xukunka hayey tan iyo 2020, waxaa sidaas werisay warbaahinta dowladda.

Wakaaladda Wararka Qatar ee QNA ayaa sheegtay in Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani loo dhaariyey madaxda cusub ee dowladda, ayada oo aan bixin faah-faahin intaas dheer.

Amiirka xukuma Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa inta badan xilalka ugu sarreeya dowladda kasoo magacaaba qoyska dalka xukuma.

Si la mid ah dalalka kale ee Khaliijka Carbeed, siyaasadda dalka ayaa ku kooban qoyska xukunka haya, waxaana yar isbeddelada lagu wargeliyo shacabka.

Sheekh Maxamed oo ahaa wasiirka arrimaha dibedda tan iyo 2016, ayaa ahaa wejiga Qatar xilli ay la tacaaleysay saddex sano iyo bar oo ay xayiraado dhaqaale iyo qaadacaad ku sameeyeen Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Bahrain iyo Masar, taasi oo dhammaatay Janaayo 2021.

Waxa uu beddelayaa Sheikh Khalid bin Khalifa bin Abdulaziz Al Thani, oo ahaa ra’iisul wasaare iyo wasiirka arrimaha gudaha ee ka mas’uulka ah amniga gudaha, tan iyo 2020.

Waxaa sidoo kale xilka wasiirka arrimaha ka beddelay Sheekh Khalifa Bin Hamad Bin Khalifa Al Thani oo isna la dhaariyey maanta.

Xoghayaha arrimaha Dibedda Mareykanka, Antony Blinken ayaa soo dhoweeyey magacaabista Sheekh Maxamed iyo isku shaandheynta golaha wasiirada ee dad cusub kusoo dartay dowladda Qatar.

“Waxaan ka mahad-celinayaa iskaashigeena soo jireenka ah,” ayuu Blinken kusoo qoray twitter.