Bayaanka Ururadda ee Xaaladda Dagaalka Laascanood

Shir balaadhan oo ay Maanta oo Salaasa ah bishuna tahay 7-03-2023 ay isugu yimaadeen dallada urur Siyaasadeed-yada jsl oo ka qabsoomey Mega Plaza Hotel, Hargeysa ayaa waxa goobjoog ka ahaa dhamaan 10ka Urur Siyaasadeed ee dalladu ka kooban tahay.
Waxa halkaa lagu qaada dhigey, si weyna loogu falanqeeyey duruufaha dalku ku jiro wakhtigan iyo gaar ahaan dagaalka Laascaanood. Dood dheer ka dib, Dallada Ururadu waxay si wadajir ah u soo saareen Qodobada hoos ku xusan:

1) Dallada Ururadu waxay aaminsan yihiin in dhulka Jamhuuriyadda Somaliland yahay Muqadas sida ku qoran Dastuurka guud ee Qaranka Qodobka 2aad Faqradihiisa 1, 2 iyo 3, oo ah sidan: ‘’ 1. Dalka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu fidsan yahay bed (Area) ahaan dalkii la odhan jirey Maxmiyadda Somaliland oo tilmaan ahaan ku yaalla dhigaha (Latitude) 8o ilaa 11o 30′ Waqooyiga Dhulbadhaha iyo loolka (Longtitude) 42’ 45′ ilaa 49’ Bariga; waxaanay soohdimihiisu ka kooban yihiin berriga, jasiiradaha, biyaha gobolleed, dhulka iyo badaha hoostooda, hawada sare iyo xeebleyda (Continental shelf).

2- Jamhuuriyadda Somaliland waxay xad la wadaagtaa dhinaca Waqooyi Gacanka Cadmeed; dhinaca Bari Soomaaliya; dhinaca Koonfureed iyo dhinaca Galbeed Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Itoobiya; dhinaca Waqooyi Galbeed Jamhuuriyadda Jabuuti.

3- Dhulka Qaranku waa muqaddas; waana laguma xad gudbaan.’’
2) Dallada Ururadu Waxay aaminsan yihiin in taako iyo talaabo ka tirsan dhulka qaranka aan gor-gortan laga geli karin.

3) Dallada Ururadu waxay aaminsanyihiin, in aanay xal iyo maangal midna ahayn in la isku dagaalo Magaalo camiran oo caruur, dad waayeel ah iyo haween joogo iyadoo la wada hadli karo, la iskana qancin karo wax kasta oo la kala tabanayo.

4) Dallada Ururaddu waxay ugu baaqayaan dawladda Federaalka Somaliya, iney cadeeyaan mawqifkooda General-da Ciidankooda ee hurinaya kana mid ka ah Colaadda iyo dagaalka Laascaanood, kuwaas oo ay ka mid yihiin Taliyihi hore ee Boliska Somaliya, Taliyihi Ciidamada Badda iyo Taliyihii Ciidamada Dhulka.

5) Dallada Ururaddu waxay sidoo kale ugu baaqayaa dawladda jamhuuriyadda Kenya, iney cadeeyaan mawqifkooda masuuliyiin sare oo ka mid ah dawladooda, oo si badheedh ah u hurinaya colaadda Laascanod, dadka walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Somaliland wadajirkoodana burburinaya kuwaas oo uu ka mid yahay ku xigeenka Afhayeenki hore ee Barlamaanka Kenya.

6) Ururadda Siyaasadda Jsl waxay ugu baaqayaan Xukuumadda, ganacsatada, haayadaha samafalka ee maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ahba in taakulooyin degdeg ah la gaadhsiiyo muwaadiniinta ka barakacay magaalada Laascanod.

7) Ugu danbayn Dallada Ururaddu waxay ay cod dheer ugu baaqayaan Xukuumadda, Goleyaasha sharci dejinta, Culimadda, Ganacsatadda, Madax dhaqameedka, waxgaradka iyo saaxiibadda Somaliland in la is garab taago Ciidamadda Qaranka ee ka hortaagan kana daafacaya xoogaga huwanta ah ee raba iney dab ku shidaan guud ahaan mandaqadda Geeska Afrika iyo gaar ahaan magaaladda Laascaanood.

Allaa Mahadleh
Eng. Hamse Hassan Ahmed Xoghayaha iyo Xidhiidhiyaha Dalladda Ururadda