Somaliland: Xiisada Sool iyo nabadgelyada Geeska Afrika

“Xalinta Xiisada Laascaanood waxay muhiim u nabad-gelyada Geeska Afrika…”tafaftirka

Xal u helida Khilaafka Laascaanood muhiim uma aha Jamhuuriyadda Somaliland oo keliya, balse waa qadiyad ay daminteedu ahmiyad u leedahay wadamada gobolka oo dhan, maxaa yeellay? nabad-gelyada Geeska Afrika waa mid isku wada xidhan oo leh masuuliyad-wadareed Dawladdaha oo dhan ka dhexaysa.

Taas micnaheedu maaha inay Somaliland tahli wayday inay xalilsho shaqaaqooyinka noocan ah ee gudaheeda ka soo kordhay, sidaas darteed ay u baahan tahay cid kale oo ka caawisa inay isku soo dhaweyso xukuumadda iyo Odayaasha Dhaqanka ee gobolka Sool iyo Buuhoodle, hase ahaatee waa arrin caalamka oo dhan ka dhaxaysa in haddii Waddan uu ku yimaado ismaan-dhaaf siyaasaddeed ama juquraafiyaddeed oo xagga bulshada ahi inay dalalka deriskiisa ah ee ay xiisaddu saamaysaa u gurmadaan daminta xaaladdaasi. waxa kale laysku waafaqsan yahay inay dhexdhexaadinta joojinta colaadaha dal gudihiisa ka qarxa ay qayb ka noqon karaan urur-gobolleedyada iyo hay’addaha kale ee heer qaaraddeed ama Jimciyadda qurumaha ka dhaxaysa. Waxaana tusaale loo soo qaadan karaa dagaalkii dhiigga badan ku daadtay ee labadii sannadood ee la soo dhaafay ka socday Waqooyiga Dalka Itoobiya ee u dhexeeyey Dawladda Dalkaasi iyo gobolka Ismaamulka qoomiyada Tigrayga, kaasoo ay dawladdo badan oo Afrikaan ah iyo kuwo Qaaradaha kale ahiba deddaal badan ku bixiyeen joojintiisa, iyadoo ugu dambeyn lagu guulaystay in heshiis la kala dhex dhigo labadii dhinac ee aan waxba isula hadhin furimaha dagaalka.

Markii uu socday Dagaalkaasi gudaha Itoobiya ka socday Jamhuuriyadda Somaliland waxay kamid ahayd dawladdihii xukuumadda Abiy Axmed ku garab-istaagay in aanay Itoobiya oo deriskeeda ah ku sii negaadin qalalaasaha iyo colaada, iyadoo iska xakamaysay inay gudaha dalkeena(Somaliland)ku yimaadaan baxsad ama qorshe dagaal kooxihii ka dagaalamayey gobolka Waqooyiga Itoobiya (Tigray) iyo taageerayaashoodu, waxaanay taasi ahayd talaabo sax ah oo ay kaga jawaabaysay masuuliyadda ka saaran Ilaalinta amniga mandaqada iyo gobolkaba, iyadoo marka hore xidhiidhka labada dal uu udub-dhexaad u yahay iskaashiga amnigu, maadaama haddii mid kamida nabad-gelyadiisu xumaato aanu ka kale ka saamayn la’aanayn.

Sidaas markay tahay, waxa in la bogaadiyo mudan deddaalka ay xukuumadda Federaalka Itoobiya ku bixinayso dib-u-soo celinta nabad-gelyada iyo xasiloonida magaalada Laascaanood, taasoo ay xukuumadda Somaliland si weyn u xakamaysay, kana tanaasushay inay awood ku muquuniso kooxaha Argagixisada ah iyo maleeshiyaadka ka soo duulay Puntland ee dhufaysyada iyo gaboodka ka dhigtay Magaalada dhexdeeda si loogula dhex dagaalamo oo ay u dunto, xaaladdaas oo markii ay qiimayso Xukuumaddu ka qaadatay go’aanka xabbad-joojinta si nabad iyo wadahadal loolla furro Isimadda dhaqanka oo loogu furdaamiyo qas-wadeyaasha ku milmay dhalinyarada reer Laascaanood ee gadoodday.

Xukuumadda Somaliland muddo saddex todobaad ka badan waxay wali ku taagantahay dhowrida go’aankeedii Xabbad-joojinta, hase ahaatee kooxaha fidmo-doonka ahi waxay mar walba weerar ku ahaayeen Ciidanka Qaranka, ilaa ay iskood u wiiqmeen oo ay tamartoodu ku uruurtay dhufaysyada magaalada dhexdeeda inay difaac ka xidhaan, taasoo ay doonayaan in loogu tago dabaddeed uu burburka magaaladu faraha uga baxo.

Sidaas awgeed, Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo aaminsan amniga iyo masaaliixda geeska Afrika ay isku-xidhan yihiin, maadaama badi wadamada gobolka ay ku nooshahay qoomiyada Soomaalida oo ah dad isir,dhaqan, dhiig iyo isku-tiirsanaan kaleba wadaaggaa, diyaarna u tahay fududdeynta wax kasta oo lagu xaqiijinayo daminta xaalada ka taagan Laascaanood, waxay soo dhaweynaysaa ladqabo iyo cid kasta oo ergo dhexdhexaada ah oo arrintan qayb ka noqon karta. in Itoobiya ay isu xilqaantayna waxay muujinaysaa talaabo ay Addis Ababa ku muujinayso inay Nabad-gelyada Laascaanood wehel u tahay magaalooyinka Jigjiga, Diridhaba iyo deegaamada kale ee Dalkeeda.