Suldaan ka hadlay Xaalada Gobolka Sool

Suldaan Maxamed Suldaan Axmed Suldaan Cabdiraxmaan oo ka mida madax dhaqameedka reer Somaliland ayaa ka hadlay xaalada ammaan ee maalmihii u danbeeyay ka taagneyd magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Suldaan Maxamed Suldaan Axmed ayaa sheegay in kooxaha sharwadayaasha iyo huwanta oo iskaashanaysa, ay rabaan in ay burburiyaan nabadgelyada Somaliland ay kula nooshahay dalalka jaarka, waxaanu uga digey inay faraha kala baxaan kooxahaasi.

Sidoo kale waxa uu xusay in iyada oo shacab iyo dawladdba la iskaashanayo ay arrintan bulshada reer Somaliland ku xalin doonaan hannaan nabadgelyo, ahna waxa ay ku caano maashay caalamkuna ku majeerto.

Suldaanku waxa uu codsaday in wax kasta Isfahan iyo walaaltinimo lagu dhameeyo.