Siyaasiyiin reer Galbeed ah oo ka hadlay Dagaalka Laascaanood

Waxaan u rajaynayaa Somaliland inay ku guulaysato difaaca dhulkeeda iyo dawladdeeda”Dr. Charles Tannockย 

Hargeysa (GNA) Charles Tannock MBE, xubin hore oo ka tirsan baarlamaanka Yurub ee London ahna Siyaasi ka tirsan xisbiga Conservative-ka ee Dalka Maraykanka ayaa qoraal uu ku baahiyey boggiisa Twitter ku sheegay inuu ku rejo weyn yahay inay Somaliland difaaci doonto oo dhulkeeda iyo madaxbanaanideeda, isaga oo tibaaxay inay suggayso jiritaankeeda dawladdeed iyo shakhsiyaddeeda qaanuuniga ah.

Siyaasigan ayaa intaasi ku daray inay Somaliland Iftiin u ahayd xasiloonida geeska Afrika sannado badan, balse uu adduunku ka gaabiyey inuu aqoonsado qadiyaddeeda madaxbanaanida.

 

โ€œWaxaan u rajaynayaa Somaliland inay ku guulaysato difaaca dhulkeeda iyo dawladeeda. Qaranimadeeda iyo madax-banaanideeda waxay ahayd in sannado ka hor ay beesha caalamku aqoonsato aragtidayda maadaama ay iftiin u ahayd xasiloonida Geeska Afrika”ayuu yidhi.

Geesta kale, Ambasadoor Tibor Nagy oo ah khabiir ka tirsan Wasaaradda arrimaha dibada, kana soo qabtay xilal danjirenimo iyo Kaaliye Xoghaye ayaa qoraal uu ku shaaciyey warbaahinta waxa uu ku sheegay in Somaliland looga baahan yahay cadaymo wax ku ool ah oo la xidhiidha cida hurinaysa xaalada magaalada Laascaanood, si ay beesha caalamku xaqiiqada khilaafka sawir buuxa uga hesho.

Waxa uu sheegay inay dunida jahawareeriyeen farriimo borobagaande ah oo ka imanaya dhinac oo qudha oo ah Soomaaliya, kuwaasoo aan lahayn raad-raac iyo cadaymo la qaadan karo toona.

Diblomaasigan ayaa ugu baaqay Somaliland inay cod dheer adduunka ku gaadhsiiso cida khilaafka Laascaanood dabka ka shiday.

Sida la ogyahay kooxo huwan ah oo dano kala duwan ka leh hurinta xiisada Laascaanood ayaa ku lug leh, mushkilada magaaladaasi ka taagan ilaa bishii January, waxaana ugu halis badan oo maleeshiyaadka hubaysan hogaaminaya xubno ka tirsan Ururka Argagixisada ah ee Alshabaab.